OGOW XAQUUQDA AAD LEEDAHAY
MAXAAD SAMEYNAYSAA HADDII AY KU ISTAAJIYAAN BOOLISKA, FBI-DA AMA WAAXDA SOCDAALKU
XUQUUQAHAAGA
- Waxaad xaq u leedahay inaad aamusto. Haddii aad jeclaato inaad isticmaasho xuquuqdaas, si kore u sheeg taas.
- Waxaad xaq u leedahay inaad diido oggolaanshaha lagu baarayo naftaada, gaarigaaga ama gurigaaga.
- Wax kastoy xaalada muwaadinimadaadu ahaataba, waxaad leedahay xuquuq dastuuri ah.
- Waxaad xaq u leedahay inaad hesho qareen haddii lagu xiro. U codso qareen si degdeg ah.
- Waxaad xaq u leedahay inaad duubto falalka booliska ilaa iyo inta aanad faraglinayn hawlahooga iyo aanad jabinayn sharci kale.
YAREYNTA KHATARTA HADDII LAGU ISTAAJIYO
Mas’uul kama tihid dejinta booliska
- Isdeji
- Dhig gacmahaaga meel ay boolisku ka arki karaan
- Ha faragelin ama ha carqaladayn booliska
- Ha sheegin been ama ha bixin dukumentiyo been abuur ah
- Diyaari naftaada iyo qoyskaaga
- Xasuuso faahfaahinada
- Fayl garee cabasho qoraal ah ama soo wac xarunta ACLU ee deegaankaaga haddii aad dareensan tahay in xuquuqdaada lagu xadgudbay
Macluumaadkan looguma talogalin inuu noqdo tallo sharci ah
Booliska waxa loogu talogalay inay sugaan ammaankeena oo ay dhamaanteen ula dhaqmaan si wanaagsan, iyadoon loo eegayn jinsiyada, qowmiyada, asalka qaranka ama diinta. Kaarkani wuxuu ku siinayaa tallooyin ku saabsan sida loola macaamilo booliska iyo fahanka xuquuqdaada. Ogow: Sharciyada gobolada qaar ayaa ka duwanaan kara. Xeerar gaar ah ayaa lagu dabaqaa isbaarooyinka iyo marka aad galayso Mareykanka (oo ay ku jiraan gegooyinka diyaaridaha)
If ICE Comes Calling, Know Your Rights
UPDATED Feb. 21, 2020, with information in Hmong.
ACLU-MN Argues Against Immigrant Detention
By Communications Intern Jenny Portis
Protesting for George Floyd and Daunte Wright? Know Your Rights
Stay Informed
Sign up to be the first to hear about how to take action.
By completing this form, I agree to receive occasional emails per the terms of the ACLU’s privacy statement.
By completing this form, I agree to receive occasional emails per the terms of the ACLU’s privacy statement.