OGOW XAQUUQDA AAD LEEDAHAY
MAXAAD SAMEYNAYSAA HADDII AY KU ISTAAJIYAAN BOOLISKA, FBI-DA AMA WAAXDA SOCDAALKU

XUQUUQAHAAGA

  • Waxaad xaq u leedahay inaad aamusto. Haddii aad jeclaato inaad isticmaasho xuquuqdaas, si kore u sheeg taas.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad diido oggolaanshaha lagu baarayo naftaada, gaarigaaga ama gurigaaga.
  • Wax kastoy xaalada muwaadinimadaadu ahaataba, waxaad leedahay xuquuq dastuuri ah.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad hesho qareen haddii lagu xiro. U codso qareen si degdeg ah.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad duubto falalka booliska ilaa iyo inta aanad faraglinayn hawlahooga iyo aanad jabinayn sharci kale.

YAREYNTA KHATARTA HADDII LAGU ISTAAJIYO
Mas’uul kama tihid dejinta booliska

  • Isdeji
  • Dhig gacmahaaga meel ay boolisku ka arki karaan
  • Ha faragelin ama ha carqaladayn booliska
  • Ha sheegin been ama ha bixin dukumentiyo been abuur ah
  • Diyaari naftaada iyo qoyskaaga
  • Xasuuso faahfaahinada
  • Fayl garee cabasho qoraal ah ama soo wac xarunta ACLU ee deegaankaaga haddii aad dareensan tahay in xuquuqdaada lagu xadgudbay

Macluumaadkan looguma talogalin inuu noqdo tallo sharci ah

Booliska waxa loogu talogalay inay sugaan ammaankeena oo ay dhamaanteen ula dhaqmaan si wanaagsan, iyadoon loo eegayn jinsiyada, qowmiyada, asalka qaranka ama diinta. Kaarkani wuxuu ku siinayaa tallooyin ku saabsan sida loola macaamilo booliska iyo fahanka xuquuqdaada. Ogow: Sharciyada gobolada qaar ayaa ka duwanaan kara. Xeerar gaar ah ayaa lagu dabaqaa isbaarooyinka iyo marka aad galayso Mareykanka (oo ay ku jiraan gegooyinka diyaaridaha)

HADDII LAGU ISTAAJIYO SI WAX LAGUU WEYDIIYO

A.HADDII LAGU ISTAAJIYO SI WAX LAGUU WEYDIIYO

A.

Xaq baad uleedahay in aadan hadlin lagugumana ciqaabi karo diiditaanka inaad ka jawaabto su’aalaha. Haddii aad dooneyso in aadan hadlin, si kore ugu sheeg sarkaalka kula hadlaya. Gobolada qaar, waa inaad magacaaga siisaa haddii lagu weydiiyo inaad sheegta cida aad tahay.

Is daji. Ha ordin. Ha murmin, ha dagaalin, hana carqaladayn booliska xitaa marka aanad dembi samayn ama uu boolisku ku xadgudbayo xuquuqdaada. Gacmahaagana dhig meel ay booliska ka arki karaan.

Weydii haddii aad fasaxantahay in aad tagto ama dhaqaaqdo. Haddii sarkaalku kuugu jawaabo haa, si deggan oo aamusnaan ah ku dhaqaaq. Hadii lagu xiro waxaad xaq u leedahay inaad ogaato sababta.

Ma aha qasab inaad oggalaato in naftaada ama alaabta aad sidato la baaro, laakiin booliska ayaa laga yaabaa inay dharkaaga gacanta dul mariyaan haddii ay ka shakiyaan hub. Waa inaad jir ahaan hor istaagin, laakiin waxaad xaq u leedahay inaad diido oggolaanshaha baaritaanka. Haddii aad oggolaansho siiso, waxay marka danbe kugu saameyn kartaa maxkamada. 
 

Hadii Lagu Istaajiyo Adigoo Garigaaga Wata

A.Hadii Lagu Istaajiyo Adigoo Garigaaga Wata

A.

Jooji gaariga meel ammaan ah sida ugu dhakhsaha badan ee suuragalka ah. Dami gaariga, shid nalka gudaha, fur daaqada badheed, gacmahaagana saar  isteerinka gaariga.

Hadii lagaa codsado, tus booliska liisanka gaariga, diiwaangelinta gaariga, iyo caddaynta caymiska gaariga.

Haddii uu sarkaalka booliska ama wakiilka socdaalku ku weydiiyo inuu fiiriyo gaarigaaga, waad diidi kartaa oggolaanshaha baaritaanka. Laakiinse haddii boolisku rumaysan yahay in uu gaariga ama baabuurkaaga ey ka muuqdaan caddayn dembi, wey baari karaan gaarigaaga iyaga oo aan kaaga helin oggolaashahaaga.
 
Darawalada  iyo dadka rakaabka ah labaduba, xaq bay u leeyihiin ineysan hadlin. Haddii aad tahay qof rakaab ah, waxa kale oo aad weydiin kartaa sarkaalka haddii aad fasaxan tahay in aad iska tagto. Haddii ay jawaabtu haa tahay, si aamusan u fadhi ama si degan uga tag meesha adigoo aamusan. Xitaa haddii uu sarkaalku may idhaahdo, waxaad xaq u leedahay inaad aamusnaato.

Haddii Lagu Weydiiyo Wax Ku Saabsan Xaaladdaada Socdaalka

A.Haddii Lagu Weydiiyo Wax Ku Saabsan Xaaladdaada Socdaalka

A.

Waxaad xaq u leedahay inaad aamusnaato umana baahnid inaad booliska, wakiilada socdaalka iyo saraakiisha kale kala hadasho xaaladaada socdaalka ama muwaadinimada. Qasab maaha inaad ka jawaabtid su’aalaha meesha aad ku dhalatay, haddii aad tahay muwaadin Maraykan ah, ama sida aad ku soo gashay dalka.
 
(Xeerar ah gaar ah bay leyhiin xuduudaha caalamiga ah iyo gegooyinka diyaaradahu, iyo shakhsiyaadka sita fiiso aan muhaajir ahayn, oo ay ka mid yihiin dadka dalxiisayaasha ah iyo dadka musaafiriinta ganacsiga ah.) 

Haddii aadan aheyn muwaadin Maraykanka ah oo uu wakiilka socdaalku ku weydiiyo waraaqahaaga socdaalka, waa inaad tustaa haddii aad sidatid. Haddii aad ka weyn tahay 18, waa inaad sidataa waraaqahaaga socdaalka dhamaan wakhtiyada. Haddii aanad haysan waraaqo socdaal, u sheeg inaad rabto inaad aamusnaato.
 
Been haka sheegin wixii ku saabsan xaaladaada muwaadinimada ama ha dhiibin waraaqo been ah.

Haddii Booliska ama Wakiilada Socdaalku Yimaadaan Gurigaaga

A.Haddii Booliska ama Wakiilada Socdaalku Yimaadaan Gurigaaga

A.

Haddii booliska ama wakiilada socdaalku yimaadaan gurigaaga, qasab kugu ma aha inaad gurigaga soo galiso hadeysan wadan ammar saxiixan oo ka socda qareen.

Ka codso inay warqada kasoo gudbiyaan albaabka hoostiisa ama ay kaa tusaan daaqada si aad u fiiriso. Waaranka baaritaanku wuxuu booliska u oggolaadaa inay galaan cinwaanka ku qoran waaranka, laakiin saraakiisha boolisku na waxa ey kaliya baari karaan meelahaku qoran waaranka. Waaranka xiritaanka waxuu siin karaa booliska awood ay ku soo galaan guriga qofka magaciisu ku qoran yahay waaranka haddii ay rumaysan yihiin inuu qofku gudaha ku jiro. Waaranka saarida/tarxiilida (ICE warrant) ma siineyso xaq ay saraakiishu ku galaan guriga iyaga oo aan loo fasaxin.

Xitaa haddii saraakiishu ay heystaan, waaran ka socda qareen, xaq baad u leedahay inaad aamusnaato. Haddii aad damacdo inaad la hadasho saraakiisha, kasoo bax gurigaaga, albaabkaagana xir.

Haddii ay Kulasoo Xiriiraan FBI-du

A.Haddii ay Kulasoo Xiriiraan FBI-du

A.

Haddii wakiil ka tirsan FBI-du uu yimaado gurigaaga ama goobtaada shaqada, qasab maaha inaad ka jawaabto wax su’aalo ah. U sheeg wakiilka inaad rabto inaad la hadasho qareen marka hore.
Haddii lagaa codsado inaad la kulanto wakiilada FBI-da si ay wareysi kaaga qaadaan, waxaad xaq u leedahay inaad u sheegto in aanad rabin in lagu wareysto. Haddii aad aqbasho in lagu wareysto, isku day inuu qareen kula joogo. Qasab maaha inaad ka jawaabtid wixii su’aalo ah ee aadan rabin inaad ka jawaabto, waxaanad odhan kartaa inaad rabto inaad ka jawaabto kaliya su’aalaha ku saabsan mawduuc gaar ah.

Haddii Lagu Xiro

A.Haddii Lagu Xiro

A.

Ha carqaladayn xiritaanka, xitaa haddii aad rumeysan tahay inaanuu cadaalad ahayn.

Waxaad u sheegta inaad rabto inaad aamusnaato, isla markiibana codso qareen. Ha bixin wax sharaxaad ama cudurdaar ah. Haddii aadan awoodi karin qareen, waxaad xaq u leedahay inaad hesho mid bilaash ah. Ha odhan waxba, hana saxiixan waxba, hana qaadan go’aano adigoon qareen haysan. 

Waxaad xaq u leedahay inaad dirsato telefoonka maxalliga ah. Booliska xaq uma laha inay ku dhageystaan haddii aad la hadlayso qareenkaaga.

Diyaari naftaada iyo qoyskaaga lacala haddii lagu xiro. Xafid lambarada telefoonada ee qoyskaaga iyo qareenkaaga. Samee qorshayaal degdeg ah haddii aad leeday carruur ama aad daawo qaadato.

Tixgelinada gaarka ah ee ay tahay inay sameeyaan dadka aan muwaadiniinta ahayn:

  • Weydii qareenkaaga saameeynta haddii dembi lagugu helo ama qirasho ay ku yeelan karto xaaladaada socdaalka.
  • Hakala hadlin xaaladaada socdaalka cid aan ahayn qareenkaaga.
  • Waxaa laga yaabaa in wakiil ka socda xarunta socdaalka uu jeelka kugu soo booqdo. Ha ka jawaabaan su’aalo, hana saxiixin waxba adiga oo aan la hadlin qareen. 
  • Waraaqaha laguu dhiiibo si fiican u aqri. Haddii aadan fahmin ama aanad akhrin Karin waraaqaha, u sheeg sarkaalka inaad u baahantahay turjubaan.

Haddii Laguu Qaado Jeelka Xarunta Socdaalka (ama “ICE”)

A.Haddii Laguu Qaado Jeelka Xarunta Socdaalka (ama “ICE”)

A.

Waxaad xaq u leedahay inaad hesho qareen, laakiinse dawladu kuma qabsana inay ku siiso mid. Haddii aadan haysan qareen, ka codso liiska qareenada ama adeegyada sharciga ah ee bilaashka ah ama qiimaha yar ah.

Waxaad xaq u leedahay in aad la xiriirto safaaradaada ama ka codso sarkaal inuu la socodsiiyo safaaradaada in lagu xiray.

U sheeg sarkaalka socdaalka inaad rabto inaad aamusnaato. Ha kala hadlin xaaladdaada socdaalka qof aan aheyn qareenkaaga. 

Waxaad xaq u leedahay inaad dirsato telefoonka maxalliga ah. Boolisku xaq uma laha inay ku dhageystaan haddii aad la hadlayso qareenkaaga.

Ha saxiixin waxba, sida oggalaansho tabaruca ah ee aad isku tarxiilayso ama codsi tarxiilid oo ku xusan heshiis, adigoo aan la hadlin qareen. Haddii aad saxiixdo waraaqaha, waxa laga yaabaa inay kaa lunto fursad aad isugu dayi karto inaad Mareykanka kusii joogto.
 
Xusuuso lambarkaaga socdaalka “A” oo u dhiib qoyskaaga. Waxay ka caawin doontaa inay helaan meesha aad joogto.

U dhiib nuqul kamid ah dukumentiyadaada socdaalka qof aad aaminsan tahay.

Haddii Aad Dareento In Xuquuqdaada Lagu Xadgudbay

A.Haddii Aad Dareento In Xuquuqdaada Lagu Xadgudbay

A.

Xusuusnow: Kulama doodi kartid anshax xumada booliska wadada dhexdeeda. Ha carqaladayn, haka caban ama ugu hanjabin saraakiisha inaad xareyn doonto cabasho inta aad joogto goobta.

Qor wax kasta oo aad xasuusato, oo ay ku jiraan calaamada ama nambarka gaariga saraakiisha, iyo qeybta ay saraakiishu ka socdaan, iyo wixii faahfaahin ah ee kale. Qaado macluumadka xiriirka ee markhaatiyada. Haddii uu dhaawac ku gaaray, islamarkiiba raadso daryeel caafimaad ama tag isbitaalka, sawirana ka qaad dhaawacaaga.

U gudbi cabasho qoraal ah qaybta arrimaha gudaha ee booliiska ee hay’adda ama guddiga cabashooyinka rayidka. Xaaladaha intooda badan, haddii aad rabto, waxaad u gudbin kartaa cabashadaada si qarsoodi ah.

Wac UCLA-MN ama booqo www.aclu-mn.org.